XILWAREEJINTA WASAARADA GAADIIIDKA 23/12/2024

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa si Rasmi ah ula wareegay xilkii Wasaaradda
Munaasibad Xilwareejin ah oo Ka qabsoontay Hoolka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa waxa Xilkii kula kala wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda mudane Cismaan Ibraahim Nuur(Afgaab) iyo Wasiirkii Hore Mudane Amb Raabi Cabdi Maxamed
Ugu horayn agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Cabdiraxmaan Abdeeq ayaa Soodhaweeyay Wasiirka Cusub siina sagootiyay Wasiirkii hore isagoo uga Mahadnaqay shaqooyinkii ay soo wada qabteen mudadii ay soowada shaqeeyeen
Sidoo kale musuuliyiintii kasooqayb gashay xaflada xilwareejinta oo ay kamid ahaayeen Xildhibaano, mayirka magaaladda Burco ,Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka iyo Masuuliyiin kale ayaa uga mahadnaqay Wasiirkii hore shaqooyinkii uu sooqabtay intii uu xilka hayay Wasiirka cusubna Dardaaran iyo Duco ujeediyay