BBG Details
 

Xeerka Wada Marista Gaadiidka Xeer Lambar 56/2013 Q47

Baadhitaanka Badqabka Gaadiidka (BBG)

 

Waxay wasaaradda iyo gudiga qandaraasyada qaranka soo xuleen 7 geerash (workshop) oo ku yaala dhammaan gobollada dalka, oo qaban doona hawsha hubinta tayada gaadiidka dadweynaha (Vehicle inspection test centre’s) si waafaqsaan qodobka 47 aad ee xeerka wada marista xeer L/r 56 / 2013.

7 aad xarumood oo laba ka mid ah laga hirgaliyay caasimadda, halka shanta xarumood ee kalena laga hir galinyey gobolada kala duwan ee dalka, gaar ahaan magaalooyinka, Burco, Borama, Berbera, Laascaanood. Dhammaan Geerashyadaas samaynaya badqabka gaadiidka oo marka magacooda la soo gaabiyo loo bixiyay Baadhitaanka Bedqabka Gaadiidka (BBG), hada waa diyaar.

 

Faa’idada Ku Jirta BBG

  1. Dawladduhu waxa ay diyaariyaan nidaamka Baadhitaanka Bedqabka Gaadiidka si ay u la socdan tayada gaadiidka isla markaan u ilaaliyaan deeganka iyo waddoyinka
  2. Faa’idada ugu weyn ee Baadhitaanka Bedqabka Gaadiidku waa ilaalinta iyo badbaadada shacabka. Bulshada badankoodu waxa ay isticmaalan gaadiidka nuucyadiisa kala duwan sidaas darteed waa in la hubiyo gaadiidka si waxyeeladiisa loo kobo
  3. Inta ugu mihiimsan ee gaadiidka laga hubiyaa waa biriigyada, taayirada, qalfada, laydhasha, iyo in uu sito shahaadaha Baadhitaanka Bedqabka Gaadiidka

Gaadiidka uu Ku waajibay BBG

  1. Nidaamkani waxa uu waajib ku yahay dhamman gaadiidka dalka ka diwaangashan sida gaadiidka bulshada iyo gaadiidka dawlada

 

Gaadiidka Aanu Ku Waajibin BBG

  • Cagafyada beeraha
  • Gaadiidka dhismaha
  • Detachable axles

Habka Loo Marayo Nidaamka Baadhitaanka Bedqabka Gaadiidka

  • Gaadiidka ka gudba Nidaamka Baadhitaanka Badqabka Gaadiidka waxaa lagu dhajin doona warqad cadeynaysa in uu soo gudbay
  • Gaadiidka aan ka gudbin waxaa loo qaban doona mudo 14mido ah si uu u soo hagaajisto meelaha ka ciladaysan ee baadhitaanku soo saaray.
  • Hadii mudadaas loo qabtay uu ku soo noqon waayo gaadiidkaasi waxa uu markale bixin doona kharashka baadhitaanka

Cilladaha ku soo baxa gaadhiga waxaa loo kala doonaa.

  • Cilado yar yar, oo aan si weyn u saameyneynin badqabka gaariga.
  • Cillado waaweyn oo khatar ah oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto

Baadhitaan wuxuu ka koobnaan doonaa 8 qaybood sida hoos ku xusan:

  • Aqoonsiga gaariga sida, (lambarka taarikada & lambarka caqayada)
  • Nidaamka Biriiga
  • Nalalka Iyo Iftiimayaasha
  • Nidaamka Wareegyada
  • Taayirada
  • Nidaamka Isteerinka
  • Suumanka & Kuraasta
  • Muraayadaha