WARBIXIN KOOBAN Hordhaca iyo Aas-aaska
Baahida ay Somaliland u qabto wadooyin aad bay u korodhay sababta oo ah waxa kordhay dhaqdhaqaaqii dadka safarka ah ee magaalooyinka, tuulooyinka iyo goboladda, waxa iyaguna kordhay baahida loo qabo in la qaado dalaga beeraha kasoo baxa iyo waxyaalaha ay warshaduhu soo saaraan oo dhamaantood u baahan iibgayn. Baahida wadooyinka loo qabo waxa sidoo kale sii kordhiyay gaadiidka gawaadhida ah oo noqday habka kaliya ee lagu safro. Korodhka dhaqaalaha ee ay gaadheen wadamada Geeska Afrika dhowrkii sanno ee u danbeeyay ayaa waxa uu culays badan ku keenay kaabayaasha horumarka, kuwaad oo wadooyinku u yihiin bar bilow. Sidoo kale, dhismaha, balaadhinta iyo hagaajinta ee wadooyinka Qaranka (Saylac – Caasho caddo) ee Somaliland waxa ay noqotay mid kamid ah barnaajimka horumarinta dhaqaalah ee Somaliland iyo wadamadda Geeska Afrika.
Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ee Somailand oo matalaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Dawladda Somaliland ayaa go’aansatay in la dhiso wadadda isku xidhaysa Saylac ilaa Caasho Caddo. Iyada oo arinkaa dhismaha laga duulayo ayaa waxa uu Bangiga Horumarinta Afrika uu bixiyay deeq dhaqaale oo lagu sameeyay Daraasad dhamaystiran oo ay ku jiraan qiimaynta dhaqaalaha wadada ku baxaya, saamaynta deegaanka ee wadadda, qorshaha dib-u-dejinta dadka ay wadadu hantidooda marto, nashqada dhismaha wadada iyo qandaraaska wadada Saylac iyo Caasho Cado lagaga dhigayo waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 22km
Mashruucaa wadada ee aynu kor kaga soo hadalnay waxa uu qayb ka yahay marinka wadadda wayn ee isku xidha Borama iyo Hargeysa. Mashruuca wadadda ee Saylac iyo Caasha Caddo waxa uu kasoo bilaabmayaa magaaladda Saylac taas oo ku taala dhinaca barri ee gobalka Awdal. Barta uu mashruucu ka bilaabmayaa waxa ay qiyaastii 270km kaga taalaa Waqooyi-Berri ee Boorama. Baraha Juquraafiyadeed ama dhigaha iyo loolka ee bilowga iyo dhamaadka mashruuca wadadu waa Dhinaca Barri 333469 Dhinaca Waqooyi 1255372 and Dhinaca Barri 329751 iyo Dhinaca Waqooyi 1235409 sida ay ukala horeeyaan.
Wadada oo la dhisaa waxa ay xalin doontaa dhibaatooyinka kharashaadka nooliga gaadiidka, waxtarka gaadiidka waxa kale oo ay wadaddu noqon doontaa khad muhiim ah oo isku xidha wadamadda Somaliland, Ethiopia iyo Djibouti, halka ay iskaga xidhmayaan waxa ay qiyas ahaan 15km u jirtaa Saylac.
Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ee Somaliland waxa ay rumaysantahay in horumarinta kaabayaasha iyo ilaalinta deegaanku ay wada socon karaan. Qiimaynta Saamaynta Deegaan iyo Bulsho (ESIA) ee wadaddu waxa la fahamsanyahay in ay tahay qayb kamid ah qorshaynta dhismaha wadadda si loo ogaado saamaynta ay wadadu ku yeelan karto deegaanka iyo bulshadda. Waxa kale ay fududaysaa in la sameeyo siyaasaddo iyo qorshayaal lagu kormeerayo laguna xakamaynayo saamaynahaa. Sidaa daraadeed, si loo fahmo saamaynta ay wadaddu ku yeelan karto bulshada iyo deegaanka loona diyaariyo hababkii iyo qorshayaashi lagula tacaali lahaa samaynaha taban. ESIA waxa ay qayb ka noqotay mashruuca wadadda Saylac – Caasho caddo. Iyada oo la tixraacayo Nidaamka Isku-dhafan ee Ilaalinta Deegaanka (ISS) ee AfDB kaas oo leh nidaam fulineed 1-10 (OS 1 – OS 10), mashruucan dhismaha wadadda waxa loo aqoonsaday Heerka 1aad kaas oo lagama maarmaan ka dhigaya in la sameeyo ESIA dhamaystiran.
Haykalka Dawladeed ama Sharci
Inkasta oo aan la aqoonsan, hadana Somaliland waxa ay u shaqaynaysay sidii dawlad madaxbanaan tan iyo 1991. Iyada oo la tixraacayo axdiyaddi kasoo baxay shirkii Burco ee beelaha Somaliland kaas oo la qabtay 27th April ilaa 5th May 1991. Kaas oo hadana 18th May 1991 lagu sii adkeeyay ku dhawaaqidii gooni isku taaga Somailand kaas oo uu hadana ku xigay shirkii guurtida beelaha Somaliland oo Borama lagu qabtay 24th January ilaa 25th May 1993 kaas oo lagu qaaday Axdi Qarameed kaas oo markii danbe dadku u codeeyeen dastuur 31st May, 2001. Sidoo kale waxa jira siyaasaddo iyo qorshayaal kala duwan oo xidhiidh la leh arimaha deegaanka:
- Siyaasada Qaran ee Deegaanka, 2015
- Siyaasada ganacsiga yaryar iyo dhaqaalaha
- Siyaasada Qaran ee biyaha
- Siyaasada Dhulka
- Xeerka Ilaalinta Kaynta iyo Ugaadha No. 69/2015
- Xeerarka Caalamiga ah
- Polluter Pay Principle (PPP), 1974
- Xeerka Isbedelka Cimilada ee Jimciyadda Quruumaha Ka dhaxaysa (UNFCCC)
- Gudida Horumarinta Deegaanka
- The Rio Declaration
- Siyaasada Bangiga Horumarinta Afrika (Africa Development Bank Policy; Bank’s Operational Safeguard)
Xafiisyo muhiim ah oo mashruucu uu khuseeyo waxa kamid ah:
Heer qaran ilaa heer gobol, Wasaarada Gaadiidka, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hay’adda Horumarinta Wadooyinka ayaa ah xubnaha ugu muhiimsan ee xidhiidhinta iyo isku-dubaridka fulinta mashuuracan. Maamulka degmada Saylac iyo isku-duwayaasha wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo amniga ayaa door muhiim ah ka qaadan doona fulinta mashruuca. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa waxa ay u xilsaarnaan doontaa ilaalinta iyo horumarinta deegaanka.
Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB ama Bangiga) waxa uu mashruuca kala shaqayn doonaa arimaha dhaqaalaha, kormeerka iyo qiimaynta mashruuca wadadda. Fulinta mashruuca waxa saamayn ku yeelan doona ururo caalami ah oo kala duwan iyada oo la raacayo hagayaashooda caalamiga ah, heshiisyada, axdiyada aan la jabin karin inta uu mashruucu socdo.
Ujeedooyinka ESIA
Ujeedada aasaasiga ah ee ESIA waa in la xaqiijiyo in dhismaha wadaddu aanay deegaanka wax dhibaato ah u lahayn oo ay waliba qayb ka gaysanayso horumarka. Warbixintani waxa ay bixinaysaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan arimaha deegaanka kuwaas oo u baahan in aad loogu dhug yeesho inta ay socoto fulinta mashruuca wajiyadiisa kala duwan. Waxa kale oo ay warbixintani bixinaysaa hababkii arimaha deegaanka loo horumarin lahaa iyada oo la samaynayo kuwan soo socda:
- In la ogaado oo la qiimeeyo saamaynaha muhiimka ah ee ka dhalan kara fulinta mashruuca
- Diyaarinta qorshayaasha iyo talo-soo-jeedimaha ku saabsan hababka lagu yarayn karo saamaynaha taban iyo kor u qaadista faa’iidooyinka togan
.
Guudmar ku saabsan Deegaanka imika jira ee ay wadaddu saamaynayso.
Qaabka uu dhulku u yaalo: Mashruucan dhismaha wadada Saylac – Caasha Caddo waxa uu dhacaa dhinaca Waqooyi ee Somaliland. Saraynta ay bada ka sarayso Meesha uu mashruucu ka bilaabmayaa waa 0 m. Halka meesha uu ku dhamaanayaana ay bada ka sarayso 4 m. Mashruucan wadaddu waxa ay maraysaa dhul isku siman.
Dadka: Ma jiro qiyaas sax ah oo sheegaysa abla-ablaynta dadka wadanka ku nool. Dadka ku nool gobolka Awdal oo ah halka ay wadaddu marayso waxa lagu qiyaasaa 673,264 sida ay sheegayso qiyaasta ay UNFPA samaysay 2014
Cimiladda: Mashruucan wadaddu waxa uu dhacaa gobolka Awdal iyo Sale oo ah qaybta xeebta oo heer-kulkeedu uu aad u kulul yahay inta badan. Dhulkan xeebta ahi aad buu inta badan u kulul yahay oo roobkuna wuu ku yaryahay. Heerkulka gobolku xiliga xagaagii waxa uu dhaafaa 38 °C. Haseyeeshee, heerkulku waxa uu hoos u dhacaa xiliga jiilaalka laakiin marka ay ugu kulushahay waxa uu gaadhaa 45 °C. Cimilada gobolku waa mid saxare ah. Celceliska roobka sannadkii da’aa waa 446 millimetres (17.6 in) laakiin dhinaca xeebta oo cimiladu ay saxare tahay waxa ay heshaa roob intaa ka yar. Xiliga uu roobku ugu badan yahay waa bilaha March, April, May iyo June qaybteeda hore.
Qaab dhismeedka dhulka: Dhinaca xeebta dhulku waxa uu u qaybsamaa afar aag, (i) Qaybta sariiraha waawayn; (ii) qaybta jayga yar; (iii) Banka Saylacthe Zeila (iv) Qaybta Sariiraha Xeebta.
Nooca ciida: Dhinaca dhulka sima nee hooseeya ee banka xeebta waxa taala ciid ay biyaha iyo cuf-is-jiidadku keeneen. Alluvial iyo colluvial ugu badan ee aaga wadada waxa laga helaa dhulka siman iyo dooxooyinka. Carro, dhoobo iyo nuurad ku walaaqantay jay ayaa ku badan goobahaas.
Istimcaalka Dhulka: Isticmaalka dhulka ee Saylac iyo Caasho caddo qaybaha magaalada waxa ka dhisan waxoogaa guryo ah waxaana ka taagan biraha laydhka, Hasayeeshee dhismayaashaasi ma jiraan marka aad ka baxdo magaalooyinka, degsiimooyinkuna way kala filiqsanyihiin.
Dhirta iyo Xayawaanka: Dhirta ka baxda deegaankani waa mid la qabsatay cimilada daran ee ay la nooshahay, waxaanay dhirtaasi inta badan ka koobantahay noocyada Xerophyllous ee laga helo dhul-daaqsimeedka Mosaic, dhulka dhirta gaagaab leh. Saamaynta ay wadadu ku yeelan doonto degaanka waxa ay ku xidhantahay sida loogu soo xoomo dhulka ay wax ka baxaan. Dhinaca banka xeebta ee joogeedu hooseeyo, inta badan dhiri kama baxdo laakin waxa ka baxo caws adag sababtuna waa milixda oo ku badan. Cawskuna waxa uu la qabsi u leeyahay milixda.
Saamaynta taban ee deegaanka iyo Siyaabaha looga hortagi karo
Marka la gaadho dhismaha wadada, waxa la filan karaa waxtar iyo waxyeelo deegaan labadaba. Dhismaha wadaddu waxa uu abuuri doono fursado shaqo waxa aanu wanaajin doono dhaqaalaha Somaliland sida fursadaha dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha, waxaanay ku xidhmi doonaan marinka Ethiopia- Somaliland iyo Djibouti.
Shaxda 1 Guud-marka Saamaynaha Waaweyn ee Taban iyo Ka hortagooga
DHISMAHA |
|||||
Saamaynaha la saadaalinayo |
Xalka Lagu Taliyay |
Hay’adda ka masuulka ah |
Kharashka ku bixi doona USD |
Tilmaamayaasha Kormeerka iyo Dabogalka |
Wakhtigai |
Saamaynaha Taban |
|||||
Hantida 40 qof oo mashruucu saameeyay oo wadadu marayso hantidooda ayaa lala wareegi doonaa. Saamayntani waxa ay ku badantahay magaalooyinka |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
Oo ay ku jiraan kharashka ku baxaya Nashqada iyo Qorshaha Dib-u-dejinta (RAP)
|
Cabashooyinka ka imanaya dadka ay wadadu saamaysay (PAP) |
Dhismaha |
Ka goynta ama ka saarista dhirta ee wadada hareeraheeda (ee dhinaca midig ee wadada), wadiiqooyinka, meelaha ciida iyo dhagaxa laga soo qaadayo iwm |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
51000 |
Inta geed ee la beeray/la gooyay |
Dhismaha |
Caqabadaha yaraynaya isku socodka iyo ugaadha shilalka sababaysa sida Gorayada iyo sakaarada ee ku nool wadada agagaarkeeda |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
18,000 |
Tirada shilalka |
Dhismaha |
Wasakhaynta biyaha dhulka oogadiisa taas oo ka dhalanaysa shaqada socota iyo taxadar la’aanta waxyaalaha khatarta ah |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
Waxa ku jira Nashqada iyo kharashka dhismaha |
Falalka wasakhowga ay keenaan saliidaha iyo xaydhuhu |
Dhismaha |
Khilaafka bulshada u dhaxeeya ee ka dhasha goobaha biyaha laga cabo |
|
Qandaraaslaha |
Waxa ay ku jirtaa kharashka dhismaha wadada |
Dhismaha, helitaanka biyaha iyo cabashooyinka bulshada |
Dhismaha
|
Saamaynta ay ku keenayso Caafimaadka Bulshada |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
22,000 |
Nadaafada kaamka iyo goobta shaqada
Maamulida burburinta qashinka
Sahanka KAP iyo xaalada wacyigalinta
|
Qandaraaslaha |
Maamulka aan fiicnayn ee qashinka (kiisa adag iyo ka jilicsanba) waxa uu sababaa dhibaatooyin caafimaad |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
15,000 |
Waa in xiliyo kala duwan la kormeero burburinta qashinka adag iyo ka dareeraha ah ee kaamka |
|
Saamaynta Caafimaadka Shaqada iyo Bedqabka |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
Waxa ay ku jirtaa kharashka dhismaha |
Waa in la kormeero goobta dhismaha ee shaqada culusi ka dhamaatay |
|
Saamaynta Xu nee Dhismaha |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
Waxa ay ku jirtaa kharashka dhismaha |
Kormeer mudaysan oo lagu samaynayo goobta qashinka lagu burburiyo |
Dhismaha |
Saamaynta Wasakhowga Hawadda |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
Waxa ay ku jirtaa kharashka dhismaha |
Kormeer mudaysan oo lagu samaynayo soo danta qiiqa gawaadhida |
Dhismaha |
Saamaynta Guuxa |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
Waxa ay ku jirtaa kharashka dhismaha |
Waa in la kormeero qalabka oo shaqaalahana la siiyo PPE |
Dhismaha |
Saamaynta Shaqooyinka Laga Qabanayo Dhul Xeebeedka Bada Cas |
|
Nashqadeeyaha, RDA, Qandaraaslaha |
Waxa ay ku jirtaa kharashka dhismaha |
Goobaha qashinka lagu qubayo iyo goobaha cawska lagu beerayo |
Dhismaha |
Kharashka Guud |
106,000 |
|
|
Latashiga Dadweynaha
Daneenayayaasha ama saamilayda muhiimka ah ee lala tashaday waxa kamid ah: Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wakaalada Horumarinta Wadooyinka (RDA), xafiisyada heer gobol ee Borama iyo xafiisyada kale ee muhiimka ah (caafimaadka, waxbarashada, biyaha) siyaasiyiinta (Gudoomiye-xigeenka), maamulka degmadda (caaqilada goobaha) iyo maamulka degmadda Saylac iyo sidoo kale xubno kamid ah bulshada Caasho Caddo iyo tuulooyinka u dhowdhow. Nidaamkii latashiga loo sameeyay waxa uu ahaa (FGD) ka dhacay Borama iyo Saylac, su’aalo la waydiiyay daneeyayaasha iyo kulamo lagula yeeshay xafiisyadooda ku yaala Borama oo ah caasimada Gobolka Awdal laga soo bilaabo March 17/20121 ilaa March 19/2021. Waxaa hadana la sameeyay lala sameeyay kooxda mashruuca ka shaqaynaysa taariikhdu markii ay ahayd 7th April 2025
La tashiyada lala yeelanayay dadwaynuhu waxa ay diirada saarayeen arimahan: horumarka fulinta wadada, jadwalka dhismaha, saamaynta deegaanka iyo dadka, u diyaargarawga bulshada iyo dib-u-dejinta iyo magdhowga. Waxyaalaha ugu muhiimsan ee kasoo baxay la tashiyada waxa kamid ah in ay soo jeediyeen dadkii lala kulmay in ay wadadu marto Saylac sababta oo ah waa magaalo taariikhi ah oo deked ah oo ah caasimada gobolka Selel. Waxyaalaha muhimka ah ee kasoo baxay latashiyada Borama waxa kamid ahaa in la sameeyo xog ururin ESIA.
Yaraynta Saamaynta Deegaanka iyo Kharashka Hirgalinta
Warxbixinta waxa lagu eegayaa saamaynta iyo cadadka. Kharashka guud ee ku baxaya hirgalinta ESMP waxa lagu qiyaasayaa USD 106,000.00, halka ka RAP lagu qiyaasayo USD 1,020,617.18.
Gunti iyo Gabogabadii iyo Talooyinka
Sida uu dhigayo sharciga bedqabka isku jira ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB’s Integrated Safeguards System (ISS)) kaas o oleh sharci/nidaam bedqad oo fulineed 1-10 (OS 1 – OS 10), mashruucan waxaa loo aqoonsaday in uu yahay Heerka 1 (Category 1) kaas oo qasab ka dhigaya in la sameeyo ESIA dhamaystiran. Dhismaha wadadu farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba waa la hirgalin karaa. Hadii arimaha faa’iidooyina iyo yaraynta saamaynta deegaanka ee lagu taliyay la qaato, ma jirto sabab degaan oo loo fulin waayo dhismaha wadada. Dhismaha wadadan muhiimka ah oo keeni doonto faa’iido iyo kor u qaadis waxyaalaha dhoofaya iyo kuwa soo degaya ee Wadanka soo galay waxa ay kor u qaadi doontaa nolosha bulshada Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan dedka degaankaa kunool waana in dhismaha wadada si degdeg ah oo hirgaliyaa