Shuruudaha Bixinta Liisanada Gaadiidka
Shuruudaha Bixinta Adeega Gaadiidka Dadweynaha ,Gaadiidka dawladda,Gaadiidka haayadaha ,iyo liisanka wadidda gaadiidka oo kala ah liisanka gaadiidka shacabka iyo liisanka gaadiidka dawladda.
Faqrada 1 aad : Hanaanka Bixinta Buuga cusub iyo Sumada cusub:
1: kaadhkiisa aqoonsiga, ama baasaboorkiisa
2: Waa inuu keenaa Gaadhiga si loo hubiyo
3: Warqada cashuurta Kastamka (Entry)
4: cashuurta buuga & sumada gaadiidka.
5: laba sawir oo kur ah
Faqrada 2 aad : Shuruudaha Samaynta kala wareejinta gaadhiga
1: kaadhkiisa aqoonsiga, ama baasaboorkiisa
2: Gaadhiga iyo Buuga si loo hubiyo
3: nootaayada kala iibsiga ee sharciga ah, ee wasaarada cadaalada
4: Waraaqda cashuurta kala warejinta .
Faqrada 3 aad :Shuruudaha buuga gaadhiga ee lumay (Duplicate Book)
1: kaadhkiisa aqoonsiga, ama baasaboorkiisa
2: Gaadhiga si loo hubiyo
3: Waa in la hubiyaa xogta diiwaanka gaadiidka.
4: warqada baafinta buuga lumay ee taraafikada.
5: Waraaqda cashuurta buuga lumay iyo cashurta wadomarista.
Faqrada 4 aad : Shuruudaha bilaydh bedelka gaadhiga
1: kaadhkiisa aqoonsiga, ama baasaboorkiisa
2: Gaadhiga oo la keeno wasaaradda si loo hubiyo
3: Waa in la hubiyaa Diiwaanka gaadhiga
4: Waraaqda cashuur bixinta buuga iyo sumada bedelka .
Faqarada 6 aad : Shuruudaha Sumadda Gaadhiga ee luntay( Duplicate plate).
1: kaadhkiisa aqoonsiga, ama baasaboorkiisa
2: Waa inuu keenaa Gaadhiga si loo hubiyo
3: Waa in la hubiyaa xogta Diiwaanka gaadiidka
4: warqada baafinta bilaydhka lumay eetaraafikada
5: Waa inuu soo bixiyaa cashuurta Sumada luntay .
Qodobka 2 aad : Shuruudaha liisanka darawalnimada
Qaadashada liisanka darawalnimada gaadiidka dadwaynaha, waa laf dhabarta badbaadada gaadiidka dadwaynaha, iyo xakamaynta, yaraynta shilalka gaadiidka, sidaas darteed waxa la idinku adkaynayaa .
Faqrada 1 aad: Shuruudaha Bixinta liisanka Bajaajta iyo Mootada ( Darajada A)
1: kaadhka aqoonsiga, ama baasaboor leh deganaansho,ama kaadhka Diiwaangalinta qaxoontiga
2: Waa in uu caafimaad ahaan fayow yahay
3: Waa in la baadho cabirka indhaha iyo nooca dhiiga
4: imtixaanka qoralka ah iyo wadida gaadhiga (Theory and Practical Exams) ee
Gaarka ah bajaajta iyo mootada. (Darajada A)
5: Waa inuu bixiyaa cashuurta ku waajibtay.
6: waa in da,diisu tahay ugu yaraan 16 sano Sida ku cad xeerka wadomarista Xl:56/2013
Faqrada 2 aad : Shuruudaha Bixinta Liisanka Darawalnimada Rakaabka ( Darajada D)
1: kaadhka aqoonsiga, ama baasaboor leh deganaansho.
2: Waa in la qiimeyaa caafimaadkiisa iyo awooda uu leeyahay inuu wade noqon karo.
3: waraaqda baadhista cabirka indhaha iyo nooca dhiiga.
4: Imtixaanka qoraalka ah iyo wadida gaadhiga (Theory and Practical Exams) ee u
Gaarka ah gaadiidka rakaabka qaada (Darajada D)
5: Waraaqda cashuur Bixinta liisanka, iyo overtime ka wasaarada.
6: hadii uu ka wayn yahay 45 jir, uuna dhashay 1977 iyo wixii ka horeeyay, waxa laga
dhaafayaa imtixaanka buuga ( Theory exam) oo kali ah.wuxuuna marayaa Imtixaanka wadida gaadhiga( practical Driving)
Faqrada 3 aad :Shuruudaha Bixinta Liisanka baabuurta yar yar ( Darajada B)
1: kaadhka aqoonsiga, ama baasaboor leh deganaansho
2: Waa in la qiimeyaa caafimaadkiisa iyo awooda uu leeyahay inuu wade noqon karo
3: waraaqda baadhista cabirka ee indhaha iyo nooca dhiiga
4: Imtixaanka Buuga iyo wadida gaadhiga(Theory and Practical Exams) ee u
Gaarka ah darajada Liisanka ( B)
5: Waraqda cashuur Bixinta liisanka, iyo overtime ka wasaarada.
6: hadii uu ka wayn yahay 45jir, uuna dhashay 1977 iyo wixii ka horeeyay, waxa laga
dhaafayaa imtixaanka buuga ( Theory exam) oo kali ah.wuxuuna marayaa wadida gaadhiga
practical driving exam 6
Faqrada 4 aad : Shuruudaha Bixinta Liisanka Darajada C iyo E
1: kaadhka aqoonsiga, ama baasaboor leh deganaansho
2: Waa in la qiimeyaa caafimaadkiisa iyo awooda uu leeyahay inuu wade noqon karo
3: Waraaqda baadhista nooca dhiiga iyo cabirka indhaha
4: Imtixaanka buuga iyo wadida gaadhiga (Theory and Practical Exams) ee u
Gaarka ah darajooyinka ( C & E )
5: Waa inuu bixiyaa cashuurta liisanka, iyo overtime ka wasaarada.
6: hadii uu ka wayn yahay 45jir, uuna dhashay 1977 iyo wixii ka horeeyay, waxa laga
dhaafayaa imtixaanka buuga ( Theory exam) oo kali ah.
Faqrada 5 aad : Bixinta liisanka Darajada F
1: Waa inuu haystaa kaadhka aqoonsiga, ama baasaboor leh deganaansho
2: Waa in la qiimeyaa caafimaadkiisa iyo awooda uu leeyahay inuu wade noqon karo
3: Waraaqda baadhista cabirka indhaha iyo nooca dhiiga
4: Imtixaanka buuga iyo wadida gaadhiga (Theory and Practical Exams) ee u
Gaarka ah darajada ugu saraysa ee rakaabka qaada (Darajada F)
5: Waa inuu bixiyaa cashuurta liisanka, iyo overtime ka wasaarada.
6: hadii uu ka wayn yahay 45 jir, uuna dhashay 1977 iyo wixii ka horeeyay, waxa laga
dhaafayaa imtixaanka buuga ( Theory exam) oo kali ah.wuxuuna marayaa imtixaanka wadida
practical driving
Faqrada 6 aad : Shuruudaha Bixinta liisanka Dadka aan waxna qorin waxna akhriyin
Dadka aan waxna qorin waxna akhriyin, waxa ku adkaanaya buuga barashada wadista gaadiidka, sidoo kale kama gudbi karaan imtixaanka buugaas marka la fahmo la maro, sidaas darteed, waxa lagu amrayaa in loo soo akhriyo oo la soo fahamsiiyo nuxurka buuga barashada wadista gaadiidka.
Ka dib hadii uu diyaar noqdo, waxa loo diyaarinaya sarkaal gaar ah, oo u akhriya isla markaaana u doora jawaabaha uu doortay, iyada oo wakhti gaar ah laga qaadi doono, isla markaana si wanaagsan loo hubin doono.
Faqrada 7 aad:Shuruudaha Bixinta liisanka darawalinimada dadka qaxoontiga ah
1: Waa inuu haystaa kaadhka aqoonsiga qaxoontinimo oo ka baxay hayada barakacayaasha iyo qaxoontiga ee JSL.
2: Waa inuu soo qaataa warqada dambi la’aanta ee dambi baadhista (CID)
2: Waa in la qiimeyaa caafimaadkiisa iyo awooda uu leeyahay inuu wade noqon karo
3: Waa inuu soo maraa baadhista caafimaadka ee indhaha iyo nooca dhiiga
4: Waa inuu maraa imtixaanka buuga iyo practical ah (Theory and Practical Exams) ee darajooyinka kala duwan ee liisankad darawalnimada A,B,C,D,E,F
5: Waa inuu bixiyaa cashuurta liisanka, iyo overtime ka wasaarada.
6: hadii uu ka wayn yahay 45 jir, uuna dhashay 1977 iyo wixii ka horeeyay, waxa laga
dhaafayaa imtixaanka buuga ( Theory exam) oo kali ah.
Faqrada 8 aad: Bixinta liisanka darawalinimada dadka Soomaalida ah:
1: Waa inuu haystaa kaadhka diiwaan galinta ee cusub ee ka soo baxay xafiiska laankta socdaalka JSL.
2: Waa inuu soo qaataa warqada dambi la’aanta ee dambi baadhista ( CID)
2: Waa in la qiimeyaa caafimaadkiisa iyo awooda uu leeyahay inuu wade noqon karo
3: Waa inuu soo maraa baadhista caafimaadka ee indhaha iyo nooca dhiiga
4: Waa inuu maraa imtixaanka buuga iyo ka baraktikaalka ah (Theory and Practical Exams) ee darajooyinka kala duwan ee liisankad darawalnimada A,B,C,D,E,F
5: Waa inuu bixiyaa cashuurta liisanka, iyo overtime ka wasaaradda.
6: hadii uu ka wayn yahay 45jir, uuna dhashay 1977 iyo wixii ka horeeyay, waxa laga
dhaafayaa imtixaanka buuga ( Theory exam) oo kali ah.
Faqrada 9 aad: Hanaanka Bixinta Liisanka Lumay:
A: Hadii uu yahay liisanka darawalnimada ee lumay kuwa dambe ee rasmiga, ah waxa qofka la waydiinayaa kaadhkiisa aqoonsiga, waxaana laga hubiyaa diiwanka wasaarada ee rasmiga ah, ee cadaynaya inuu maray dhamaan waajibadki looga baahna ( Theory and practical exam), ka dibna wuxuu bixinayaa lafta luntay lacagteedii.
B: Hadii uu yahay liisanka lumay kuwii hore ee wakhtigoodu dhamaaday, sida kii buuga ahaa, iyo kii lafta 3 sano ahayd, waxa da,diisuna ka yar tahay 45 waxaa la marinayaa imtixaan theory and practical ah Haddii uu ka weyn yahay 45 sanona waxaa la marinayaa practical exam
Qodobka 3 aad: Hanaanka Bixinta Liisanka darawalnimada gaadiidka dawlada, iyo Sumada Gaadiidka:
Liisanka darawalnimada ee gaadiidka dawlada waa mid cusub oo casri ah, oo la mid ah liisanka darawalnimada gaadiidka dadwaynaha, midabkiisuna yahay doogo (Green).
Wuxuu kala mid yahay liisanka darawalnimada gaadiidka dadwaynaha noocyada liisanka darawalnimada oo wuxuu leeyahay 6 darajo A, B, C, D, E, F.
Faqrada 1 aad : Hanaanka Bixinta liisanka Darawalnimada Gaadiidka Dawlada
1: Waa inuu haystaa kaadhka shaqaalaha ee ka soo baxay hayada shaqaalaha dawlada
2: Waa in kaadhkaas ugu qoran tahay xirfada darawalnimo, ama uu ku jiraa liiska darawaliinta gaadiidka dawlada ee hayada shaqaaluhu inoo soo gudbisay.
3: Waa in la qiimeyaa caafimaadkiisa iyo awooda uu leeyahay inuu wade noqon karo
4: Waa inuu soo maraa baadhista caafimaadka ee indhaha iyo nooca dhiiga
4: Waa inuu maraa imtixaanka buuga iyo practical ah (Theory and Practical Exams) ee darajooyinka kala duwan ee liisankad darawalnimada A,B,C,D,E,F
5: Waa inuu bixiyaa overtime ka wasaarada oo dhan SLSH 100,000
6: hadii uu ka wayn yahay 45 jir, uuna dhashay 1977 iyo wixii ka horeeyay, waxa laga
dhaafayaa imtixaanka buuga ( Theory exam) oo kali ah.
Faqrada 2 aad: Hanaanka bixinta sumada Gaadiidka Dawlada
1: Waa in la keenaa gaadhiga xarunta wasaarada ee laga diiwan galinayo
2: Waa in la keenaa waraaqda iibka gudida qandaraasyada qaranka, ama nootaayada iibka.
3: Waa in laga xareeyaa buuga iyo sumadii gaadhiga ay soo iibsadeen.
3: Waa in lagu diiwaan galinayaa systemka diiwaan galinta gaadiidka dawlada
4: Waa in ay bixiyaan cashuurta sumada gaadiidka dawlada, iyo ovetime wasaarada
Faqrada 3 aad: Hanaanka bixinta sumada Gaadiidka Hayadaha madaxa banaan, Qaramada midoobay, iyo safaaradaha.
1: Waa in la keenaa gaadhiga xarunta wasaarada ee laga diiwan galinayo
2: Waa in la keenaa waraaqda cashuurta ( free entry) ama nootaayada iibka.
3: Waa in laga xareeyaa buuga iyo sumadii gaadhiga ay soo iibsadeen.
3: Waa in lagu diiwaan galinayaa systemka diiwaan galinta gaadiidka hayadaha.
4: Waa in ay bixiyaan cashuurta sumada , iyo overtimeka wasaarada.