Isniin, 20/11/2023. Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Saleeban Cawad Cali ( Bukhaari) ayaa Maanta kala Wareegay Xilkii Wasiirkii Hore Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Saleeban Cawad Cali ( Bukhaari) ayaa Maanta kala Wareegay Xilkii Wasiirkii Hore Wasaaradda Md. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
Madasha Xafladan oo Ka Qabsoontay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Waxaana Ka soo Qayb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Mareeyaha Hay’adda Horumarinta Wadooyinka, Agaasime Waaxeedada Kale duwan ee Wasaaradda iyo Dhamaan Shaqaale weynaha Wasaraada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Ee Gobolka Maroodi/Jeex.
Waxaa Xusid Mudan in Madasha ay Ka soo Qaybgaleen Marti Kale duwan oo ka Kooban Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Cuqaasha iyo Culimo awdiinta Dalka.Kuwaas oo dhamaantood Hambalyo iyo Ducabba u diray Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Madaweynuhu usoo magacaabay halka Wasiirkii Horena Lasii Bogaadiyeen.
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Eng Cabdixakiin Cumar Iidle.

sawiro munaasibada xilwareejinta labada wasiir 





+71


All reactions:
2121