Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Ahmed Abokor Mohamed oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Waaxaha Gaadiidka iyo Qorshaynta Muuse Yuusuf Ibraahim iyo Cabdilaahi Sama

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Ahmed Abokor Mohamed oo ay wehelinayaan Agaasimayaasha Waaxaha Gaadiidka iyo Qorshaynta Muuse Yuusuf Ibraahim iyo Cabdilaahi Samadoon ayaa maanta oo Isniin kulan la qaatay ururka ay ku midaysan yihiin Shirkadaha Qandaraaslayaasha Gaadiidka Landcruiserada TAC iyo Iskaashatada Landcruiserada Goboladda dalka ee IGL.
Kulan oo ujeedkiisu ahaa sidii wada shaqeyn dhab ah u yeelan u lahaayeen labada dhinac, sidoo kale ay Shirkadaha gaadiidku Qandaraasyada ay xareynayaan ay ku fadhiisiyaan Qiimaha Wasaarada u dejisay oo aanay dhicin in aanay hoos maraan.
Qoddobada la isla falanqeyay waxaa ka mid ahaa in dhamaan Shirkadahan iyo iskaashatadu fuliyaan Awaamiirta ka soo baxa Wasaarada Gaadiidka iyo H. Jidadka, sida Hubinta Baadhintaanka Badqabka BBG-ga, Cusbooneysiinta Liisamadda Shirkadaha iyo Liisamada darawaliinta kale duwan.
Ugu danbeyntii Agaasimaha Guud ayaa shirkadaha faray in ay ka qaybqataan Taakuladda iyo Tabarucaadka masiibadii ka dhacdey suuqa weyn ee Waaheen.