XILWAREEJINTA agasimaha guud ee wasaarada gaadiidka horumarinta jidadka JZL

Munaasibada Xilwareejinta labada Agaasime guud ee Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
Munaasibad Balaadhan oo ay xilalka kula kala wareegayeen Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Eng Craxmaan Abdeeq iyo Agaasimaha Guud ee Dhawaan Madaxwaynaha JSL usoo magacaabay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Eng Ahmed Muxumed Cabdi ayaa ka qabsoontay hoolka Wasaaradda.
Xafladan xilwareejinta oo maamuus keedu aad usareeyay ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cismaan Ibraahim(afgaab),wasiiro, Xildhibaano, ganacsato,Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeisa,Shaqaale wahaynaha Wasaarada mudan iyo marti sharaf kale.
Ugu horayna Masuuliyiintii iyo marti sharaftii kale soo qayb gashay Xaflada xilwareejinta ayaa halkaas ka soo jeediyay khudbado lagu soo dhawaynaayo Agaasimaha Cusub ee maanta xilka lawareegay , una sii duceeyay Agaasimihii hore.
Agaasimihii hore ee Xilka Wareejiyay Mude Eng Craxmaan Abdeeq ayaa ku dheeraaday shaqooyinkii badnaa ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay sidoo kale Agaasimaha Cusub ee xilka la wareegay ayaa uuga mahadnaqay Madaxwaynaha Jsl xilkaa culus ee uu usoo magacaabay waxaanu balan qaaday in uu si dhaw uula shaqayn doono masuuliyiinta iyo shaqaale waynaha Wasaaradda
Gabagabadii Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cismaan (afgaab) oo xaflada ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa uga mahadnaqay Agaasimihii hore mudadii ay wada shaqaynayeen, soona dhaweeyay Agaasimaha Cusub.
Waxaanu iftiimiyay wax qabadka 100 cisho ee xukuumada cusub iyo guud ahaan shaqooyinka horyaala ee Wasaaraddu higsanayso inay gaadho