Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa Kulan kula qaatay xafiiskiisa Madax ka tirsan Hayadda EUCAP.
Kulankan Wasiirka Waxa ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Badda ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Sucaad Sh.Axmed ,Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee WG&HJ Cabdilahi Samadon Cumar iyo Lataliyaha dhinaca sharciga ee WG&HJ Yuusuf Xuseen.
Ujeedada kulankan oo daarnaa sidii loo dardar galin lahaa arrimaha dhinaca badda ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL.