Fariinta wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Dhismaha Jidka Berbera-Sheekh oo dhismaheedu socdo


Shirka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiir-kuxigeenka 'Agaasimaha Guud, Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka,Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Hay'adda Wadooyinka iyo Gudoomiya Shirkada Gacanta Kuhaysa Waddada Berbera ilaa Sheekh ayaa Bulshada lawadaagay fariin ah in Wadada Berbera-Sheekh xidhnaan doonto
Wadadan oo dhismaheedu socdo ayaa xidhnaan doonta laga bilaabo 14 Jenuary 2025 saacadaha 6 subaxnimo ilaa 1da duhurnimo marka laga reebo maalmaha jimcayaasha mudo 20 cisho ah
F.g: mudada ay socoto shaqada dhismaha wadadan Gaadiidka way u furantahay wixii 1da duhurnimo kadanbeeya(Galinka danbe)
Hadaba waxaa la ogaysiinayaa in bulshada ku safarta waddadaasi sidaa uula socdaan.
Xafiiska Warbaahinta ee
Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka





+5

All reactions:
30You iyo 29 kale