Awoodaha iyo Waajibaadka Wasaaradda 
Wasaaradda Gaadiidka iyo Hormarinta Jidadku waxay yeelanaysaa awoodahan iyo waajibaadyadan soo socda:
1) Inay curiso xeerarka iyo siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada gaadiidka badda, cirka iyo dhulka oo nabdoon isla markaana ah mid laysku halayn karo.
2) Inay xaqiijiso in bulshadu hesho adeegyada gaadiidka badda, cirka iyo dhulka kuwaasi oo qayb ka ah qorshaha horumrineed ee dalka;
3) Inay dejiso, isla markaana fuliso qorshayaasha xukuumadda ee dhismaha, dayactirka iyo maamulka jidadka ka baxsan magaalooyinka.
4) Inay horumariso, sidoo kalana tayayso xeerarka Gaadiidka dhulka iyo waddooyinka Somaliland.
5) Inay maamusho, sidoo kalana habayso nidaamka waddo marista dalka
6) Inay bixiso ogolaanshaha ruqsadaha gaadiidka dhulka.
7) Inay qorshayso, sidoo kalan dejiso siyaasadaha gaadiidka
8) Inay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeegga xamuulka ee wadanka.
9) Inay xaqiijiso dhismayaasha kaabayaasha gaadiidka, casriyayntooda iyo ilaalintooda.
10) Inay fuliso tallaabooyinka lagu xallinayo saamaynta gaadiidku ku leeyahay is bedelka cimiladda.
11) Inay tirakoobto nocyada gaadiidka kala duwan ee dalka, sidoo kalana abuurto kaydin si fudud looga heli karo xogta gaadiidka dalka.
—38—
12) Inay isku xidho tallaabooyinka horumarinta jidadka, dayactirkooda, sidoo kalana kala taliso xukuumadda wax kasta oo ku saabsan gaadiidka iyo hormarinta jidadka.
13) Inay dejiso siyaasadaha kaabayaasha wadooyinka dalka, sidoo kalana isku xidho mashaariicda horumarineed ee la xidhiidha horumarinta kaabayaasha wadooyinka.
14) Inay ka hawl gasho in la hirgaliyo xeerarka iyo siyaasadaha lagu maamulayo gaadiidka iyo waddooyinka, iyo
15) Inay fuliso xilalka iyo waajibadyada ee ay u xilsaaraan xeerarka dalku.